600 Deg Deg:James Swan Oo Fariin Calaacal Ah Usoo Diray Reer Jubaland, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:James Swan Oo Fariin Calaacal Ah Usoo Diray Reer Jubaland,

Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa mar kale maanta khudbad uu u jeediyey golaha ammaanka kaga hadlay xaaladda doorashada Jubaland.

James Swan ayaa ku celiyey inay boorinayaan hanaan doorasho oo mid ah islamarkaana la isku raacsan yahay oo ka dhaca Jubaland.

Waxa uu ka digay in haddii aan taas la helin oo lagu loolamo natiijada doorashada ay jiri karto halis xooggan oo ah xasilooni darro ka dhacda Jubaland.

“QM iyo saaxiibada caalamka waxay dhammaan dhinacyada ku booriyeen inay sameeyaan isu tanaasul iskuna raacaan waddo horey loo qaado, balse nasiib darro waqtiga ayaa aad u gaaban” ayuu James Swan u sheegay golaha ammaanka.

James Swan ayaa ka digay in xasilooni darro ka dhacda Jubaland aysan halis gelin doonin oo kaliya maamulkaas, balse ay saameyn doonto arrimo badan oo muhiim u ah Soomaaliya, sida doorashooyinka 2020, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Wax kasta oo ay noqotaba natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland ee berri, waxaan ka codsanayaa dhamaman dhinacyada ku lugta leh inay is-xakameeyaan, kana reebtoonaadaan rabshado, oo walaacyada ay qabaan ay ku xaliyaan wada-hadal” ayuu yiri James Swan.

Hadalka James Swan ayaa u muuqda mid uu doonayo in xitaa haddii ay dhacdo in dib loo doorto Axmed Madoobe, sida la filayo, in xiisadda Jubaland ay dowladda iyo Axmed Madoobe ku dhameeyaan wada-hadal.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...