600 Deg Deg::Kala yaac Ku Dhacay Musharixiintii Isbadel Doonka Jubaland. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Kala yaac Ku Dhacay Musharixiintii Isbadel Doonka Jubaland.

Labo musharrax oo ka mid ahaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen tartanka doorashada ee maamulkaasi.

Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi oo ka mid ah musharraxiinta sanadkan ee doorashada Jubbaland ayaa shaaciyey in ay ka tanaasuleen gabi ahaan tartanka doorashadaasi.

Musharraxiintan oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay sababaha ay uga tanaasuleen doorashada oo ay markii hore isku soo sharraxeen.

Musharrax Cabdi Xiis ayaa sababta uu ku tanaasulay ku sheegay inuu xeeriyey xaaladaha ka jira Jubbaland iyo dalab uga yimid beeshiisa.

Sidoo kale musharrax Axmed Cabdi ayaa isna shaaciyey inuu u tanaasulay sababo isaga u gaar ah iyo danta shacabka kudhaqan Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxaa goor dhow hoolka doorashada ka bilowday hadal jeedinta musharraxiinta, iyadoona khudbadaha ku aadan waxqabadkooda ay jeedin doonaan illaa afar musharrax oo ka mid ah kuwa sanadkan kuu loolamaya hoggaanka Jubbaland

Doorashada madaxweynaha ayaa dhaceysa Khamiista soo socota, balse waxaa weli jira is qab qabsi u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...