600 Deg Deg:Kenya Oo U Hanjabtay Musharixiinta Ka Soo Horjeeda Axmed Madoobe, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Kenya Oo U Hanjabtay Musharixiinta Ka Soo Horjeeda Axmed Madoobe,

Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in saraakiil ka tirsan sirdoonka Kenya ay magaalada Kismaayo kulan qarsoodi ah kula qaateen qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ka socotay Sirdoonka dowladda Kenya ayaa la sheegay inay musharaxiintaas hor dhigeen dalab ay wateen oo ahaay inay taageeraan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe, oo lagu xagliyo inuu taageero wayn ka heysto dowladda Kenya.

Mas’uuliyiin ku sugan magaalada Kismaayo oo naga codsatay inaanaa warbaahinta u adeegsan magacooda ayaa xaqiijiyay in kulankaas ay saraakiisha Kenyaanka ah la qaateen musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdinaasir Seeraar oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda Axmed Madoobe aadna ugu dhaw madaxda federaalka, iyo musharax Madaxweyne Cabdi Cali Raage.

Saraakiisha ka socotay Sirdoonka Kenya ayaa musharaxiintaas ugu hanjabay in haddi aysan taageerin Axmed Madoobe ay Kenya kusoo rogi doonto xayiraad dhaqaale iyo mid socdaalba, waxaana xusid mudan in musharaxiinta loo hanjabay ay yihiin kuwii lagu xaglinayey inay taageerayaan madaxda dowladda dhexe.

Doorashada Jubbaland ayaa wajahaysa loolan aad u xoogan oo ay ka dhex muuqdaan dowladaha deriska la ah Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu cad-cadyihiin Kenya iyo Itoobiya oo iyagu kaleh dano kala duwan.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay aad u saluugsantahay habka uu guddiga doorashada Jubbaland u wado howlaha doorashada, hadii aan wax laga badalina ay Jubbaland ku qeynayso taageeradooda.

Dhinaca kale madaxda dowladda dhexe oo iyagu aan tagi karin magaalada Kismaayo, ayaa ku goodiyay in aysan aqbali doonin natiija kasta oo kasoo baxda howsha ka socota Kismaayo.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in qorsha uga degsan doorashada Kismaayo uu yahay in marka hore ay Kismaayo ku qabato shir dib u heshiisiin ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...