600 Deg Deg Daawo:Ugaaskii Ugu Weynaa Ee Ka Soo Hor Jeeday Axmed Madoobe Oo Isdhiibay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Ugaaskii Ugu Weynaa Ee Ka Soo Hor Jeeday Axmed Madoobe Oo Isdhiibay

Mid ka mid ah ugaasyadii sida weyn u diidanaa hannaanka doorashada maamulka Jubaland ayaa maanta ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay fikirkiisii hore.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane, oo kasoo jeeda beesha Cowlyahan ee Ogaadeen, ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay isaga oo eegaya danaha bulshada reer Jubaland iyo dadka baylahan, si looga hortago dhibaato kale oo ka dhacda Jubaland.

Ugaaska ayaa sheegay in is-qabqabsi sii socda oo Jubaland ka dhaca ay hoggaamin karta colaad ka dhacda deegaanada Jubaland, taasi oo uusan dooneyn.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeya uu dib ugu noqonayo howlahii dhaqanka ee uu bulshada u hayay, islamarkana uu la shaqaynayo qofkii ku guulaysta doorashaa madaxtinimada Jubbaland

Ugaaska ayaa sheegay inaysan jirin cid ku qasabtay go’aanka uu qaatay, balse uu sidan u sameynayo maslaxada Jubaland.

Ugaaska ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland midnimo iyo wadajir isla markana la garab istaago qof kasta oo kusoo baxa doorashooyinka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...