600 Jubaland Oo Jawaab Adag u dirtay Wakiilka Qaramada Midoobe Ee James Swan | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Jubaland Oo Jawaab Adag u dirtay Wakiilka Qaramada Midoobe Ee James Swan

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa jawaab ka bixiyey warqadihii shalay kasoo baxay ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

James Swan ayaa warqaddiisa ku sheegay in is-beddelada ay sameeyeen guddiga doorashada Jubaland aysan weli buuxin shuruudihii beesha caaalamka, sidaas darteedna, haddii aan ka hor doorashada la sameyn is-beddelo dheeri ah, sida ay beesha caalamka dalbatay, inaysan taageeri doonin natiijada doorashada.

Xamza ayaa maanta soo saaray warqadda jawaab u ah tan James Swan, isaga oo sheegay in guddiga doorashada Jubaland uu qaaday toddobo tallaabo oo muhiim u ah hanaanka doorashada Jubaland, oo ay ugu dambeysay inay dib u fureen is-diiwaan gelinta musharaxiinta, dibna u dhigeen doorashada madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu aad uga niyad jabay ugana naxay in James Swan uu warqaddiisa ku sheegay in hanaanka doorashada Jubaland uusan haysan taageerada dhammaan dhinacyada kale duwan ee Jubaland.

Xamza ayaa ugu dambeyn ku adkaystay inaysan jirin is-beddelo dheeri ah oo ay ku sameynayaan hanaanka doorashada, islamarkaana doorashada ay ku dhici doonto sida ay hadda wax u scodaan, maadaama guddiga buuxiyey dhammaan waxyaabihii dastuuriga ah ee loo baahnaa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...