600 Deg Deg::Saddex Wadan oo isku baheystay inuusan soo laaban Axmed Madoobe | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Saddex Wadan oo isku baheystay inuusan soo laaban Axmed Madoobe

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa warbixin dheer ka qoray arrimaha Jubbaland, gaar ahaan doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo dhaceysa Khamiista soo socota.

Wargeyska ayaa shaaciyey in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay sameysteen isbahaysiga dadka Kosheetigga ah, islamarkaana ay doonayaan inay beddelaan Axmed Madoobe oo sanadkan la kulmaya cadaadis xoogan.

Sidoo kale wargeysku wuxuu sheegay in isbaheysiga ay sameysteen dalalkan uu muhiimadiisa koowaad yahay, sidii looga guuleysan lahaa, islamarkaana meesha looga saari lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xafiiska jooga, tan markii la aas aasay maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Wargeyska The Standard ayaa tilmaamay in Kenya ay waddo dadaal ay ku dooneyso in markii saddexaad Axmed Madoobe uu ku soo baxo doorashada maamulkaasi, islamarkaana ay xoog badan gelineyso arrintaasi.

The Standard oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi ayaa sheegay in danta Kenya ay ku jirto in dib loo doorto Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Wargeyska ayaa xusay in Axmed Madoobe) uu yahay saaxiibka kaliya ee Kenya ka caawin kara dhanka amniga iyo danaha ay ka leedahay Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...
Deg Deg Daawo; Muqdisho Mucaaradka Oo Ku Baaqay Banan Bax Kale
- Feb 22, 2021
MucaaradkaA Dawlada Federaaalka Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Banan Bax Kaa Dhaca Muqdisho https://www.youtube.com/watch?v=4yj_VpyAjwE&t=31s
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ugu Furay Villa Somali Madaxda DF Dawlada Goboleedyad
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Si rasmi Ugu Furmay Vilaa Soomaaliya Shirka Madaxda dawlada Federaalka Soomliya Iyo ...
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...