600 War Deg Deg Ah:-Alshabaab Oo La Wareegtay Deegaanka Deynuunaay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:-Alshabaab Oo La Wareegtay Deegaanka Deynuunaay

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo saaka aroortii hore weerar ku qaaday Deynuunaay ayaa la wareegay saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay halkaasi, kadibna ciidamada dowladda ay isaga baxeen guud ahaan saldhiggaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Milatariga Soomaaliya ay markale weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaankaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in haatan dagaal culus oo u dhexeeya labada dhinaca uu ka socdo halkaasi.

Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Koonfur Galbeed oo gurmad ah ay gaareen Deynuunaay

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...