600 Deg Deg::War Culus Oo Ka soo Kordhay Kismaayo. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::War Culus Oo Ka soo Kordhay Kismaayo.

Waxaa maanta lagu wadaan in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ayaa waxaa ay isugu jirtaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Qaban qaabadii ugu dambeysay iyo diyaar garowga doorashadan ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale ammaanka ayaa si xoogan loo adkeeyey, iyadoo xarunta ay ka dhaceyso doorashada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ayaa isku soo sharraxay doorashadan, kuwaas oo horay u jeediyey khudbadaha ay uga hadlayeen wax qabadkooda.

Musharrixiinta illaa hadda ay soo bandhigeen guddiga doorashada ayaa waxaa ka mid ah saddexdii guddoomiye ee baarlamaanka koowaad oo uu waqtigiisa dhamaaday.

Doorashada madaxweynaha oo markale dib loo dhigay ayaa iyaduna dhici doonto 22-ka bishan, sida uu shaaciyey guddiga madaxa banaan xuduudaha iyo doorashada Jubbaland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...