War Deg Deg Ah:Isku Daygii Ugu Danbeeyay Ee Farmaajo Oo Fashilmay iyo Sayid Axmed Madoobe Oo Quudhsi Diiday,

maqal iyo muuqaal Wararka

Madaxweynaha Dawlada Fadaraalka soomaaliaya Farmaajo ayaa qorshe aad u liita oo aanu waxba ula hadhin shacabka soomaaliyeed ee reer jubaland ku fashilmay.

Madaxweyne Farmaajo oo tiraba afar jeer saraakiil ciidan oo u badan itoobiyan iyo xubno ka socda amisom oo isugu jira madax iyo sarakiil iyo beesha caalamka ergo ka socota kusoooo weeraray maamulka jubaland iyo Madaxweyne Axmed islam si looga helo madaxweyne u ah guulwade xukuumadiisa nabad iyo nolol loogana takhaluso maamulka jubaland ee Axmed madoobe.

Farmaajo oo dhamaan isku dayada uu soo maleegay ee u adeegsanaayo Shisheeya waa u ku fashilmay waxaana uusan meesha sooba dhigan Madaxwyene Farmaajo in Beesha caalamku aysan waxba ka qaban karin nin hubaysan oo leh ciidan dhisan iyo maamul dhisan balse beesha calamku ay wax ka qaban karto oo kaliya nin nabad iyo siyaasad wax ku doonaya.

Qorshayaasha Farmaajo kula dagalamaayo jubaland ayaa dhamaan ku soo dhamaaday fashil.

UguD anbayn Xubnaha Beesha caalamka ka socda ee Ergayga qaramada midoeob hogaaminaayo ee maanta soo gaadhay kismaayo ayaa la qaatay xukumada jubaland in Doorashada Jubaland ahaato mid ay u madax banaanyihiin reer jubaland taaso meesha ka saartay labo qodob oo Farmaajo soo faray Ergada Beesha caalamka.