600 Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Oo Jawaan Adag Siiyay Xubno Ka Socda Beesha Caalamka Oo Labo Qodob Farmaajo Usoo Dhiibay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Oo Jawaan Adag Siiyay Xubno Ka Socda Beesha Caalamka Oo Labo Qodob Farmaajo Usoo Dhiibay,

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday beesha caalamka oo uu hogaaminayay wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan.

Waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno ka socday IGAD, safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay laba qodob oo beesha caalamka ay dooneyso in la fuliyo kuwaas oo kale.

1 – In fursad iyo waqti dheeri ah la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaan geliyaan ugana qeybgalaan doorashada.

2 – Iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan ka socday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada, islamarkaana taas ay tahay shaqada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...