Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg Daawo::Farmaajo Oo Ka cadhooday Madax Gaadhay Kismaayo oo Mucaarid ku ah Xukumadiisa,
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray laguna soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaannada oo uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen sida ay gooboog ka noqdaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo tan Madaxweynaha.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa saddex qodob inay ku weyn tahay ku sheegay socdaalka ay ku tageen taas oo la xiriirta doorashada Jubbaland, waxaana ay kala yihiin.
In hey’adaha Dastuuriga ah ee dawlad federaalku gaar ahaan hey’adda sharcidejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland.
U kuurgalidda habsami u socodka hanaanka iyo Geedi-socodka doorashada Jubaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh.
In aan dhiiragalinno nabadda iyo xasiloonida Jubaland In la ilaaliyo.
Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubbaland ayaa sanadkaan ka duwan doorashooyinkii hore,waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu markaan dareemayaa loolan adag wallow wax walba isbeddeli karaan.



Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.