600 War Deg Deg Ah:Badda Soomaaliya Oo Loo Soo Diray Diyaarado Dagaal iyo Maraakiib Dagaal, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Badda Soomaaliya Oo Loo Soo Diray Diyaarado Dagaal iyo Maraakiib Dagaal,

Dowladda Koofurta Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in ay Markab Ciidan iyo diyaarado dagaal wada u soo direyso biyaha SOomaaliya.

Waxaa ay dowladda Kuuriya sheegtay in ciidankaas ay qeyb ka noqonayaan la dagaallanka burcad badeedda biyaha Soomaaliya ka jirta.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in Markabkaasi uu qeyb ka yahay ciidamada Gacanka Hurmuz ee uu isku dubbaridayo Mareykanka si ay uga hortagaan dowladda Iraan.

Markabka ayaa waxaa uu xalay ka soo baxay Magaalada Busan ee koofurta Dalka Kuuriya waxaana lagu wadaa in uu biyaha Soomaaliya soo gaaro talaadada maanta ah sida ay sheegtay dowladda Koofurta Kuuriya.

Markabka oo lagu magacaabo Kang Gam Chan, waxaa uu culeyskiisu dhanyahay 4,400 oo tan,waxaana uu wadaa noocyada kala duwan ee ciidanka Badda Koofurta Kuuriya sida kuwa quusa, kuwa biyaha ka dhex dagaallama, kabtannada iyo qeybaha kale ee Ciidanka Badda Dowladda Koofurta Kuuriya.

Waxaa uu biyaha SOomaaliya joogayaa muddo lix bilood ah oo ka billaabaneysa Bisha September ee sanadkan.

Ciidamada Badda ee Koofurta Kuuriya ayaa ka mid ah isbaheysiga Caalamiga ah ee la dagaallanka Burcad badeedda Soomaalida waxaana ay ka mid tahay Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Biyaha Soomaaliya

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...