600 Imaaraadka oo taageeray go’aanka India ee muslimiinta Kashmiir lagu ciqaabayo | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Imaaraadka oo taageeray go’aanka India ee muslimiinta Kashmiir lagu ciqaabayo

Dowladda Imaraadka ayaa taageertay Dikareetadii Raysalwasaare Hindiya Narendera Modi uu ku laalay Qodobka 370 ee dastuurka dalkaasi ee u fasaxay gobalka Muslimiinta Kashmiir ismaamul u gaar ah.

Safriika u fadhiya Imaraadka Dalka Hindiya Ahmad Al Banna ayaa ku tilmaamay go;aankaasi mid horseedi doono gobolka Kashmiir Barwaaqo iyo Nabad waarta, isagoo sheegay in arrintaasi tahay mid khusayso arrimaha gudaha ee dalkaasi oo ay tahay in la tixgaliyo

” Waxaan rajaynayaa in isbedelka dhacay uu horseedi doono horumarinta cadaalada, amniga iyo kalsoonida Kashmuur, islamarkaana uu dhiirigalin doono deganaansho iyo amniga ka dhaca gobolka“ Sidaas waxaa wargayska Gulf news u sheegay Safiirka Albanna.

Imaraadku wuxuu muddu dheer xiriir wanaagsan la lahaa wadamada Hindiya iyo Baakistaan, waxayna aad uga fogaan jireen inay dhexgalaan khilaafka iyo colaada u dhaxaysa labadaas wadan ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka.

Imaraadku wuxuu ka mid noqday 8 wadan oo muslimiin ah oo Wadanka Shiinaha ku taageeray Sida uu ula dhaqmo muslimiinta Uyghurs ee Shiinaha oo Malaayiin ka mid ah lagu hayo xeryo waaweyn.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...