
Maamulka Puntland ayaa maanta shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo soo maray deegaano ka tirsan Somaliland, isla markaana u soo gudbayey buuraleyda Galgala.
Cabdirisaaq Faarax Warsame, Taliyaha Booliska bariga gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada Booliska Puntland ay gacanta ku dhigeen Rag Al-shabaab kamida ah oo rabay inay galaan Buuraleyda Galgala.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xubnahaasi ka tirsanaa Al-shabaab oo tiradoodu dhameyd 5-Nin ay soo dhex mareen magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo ka tirsan Somaliland, isla markaana ay ka imaaden magaalada Beledweyne.
Taliye C/risaaq ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ciidamada Puntland markii horeba la socdeen dhaq-dhaqaaqa xubnahan ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna yiri “Siday noo sheegeen Beledweyn ayay ka yimaaddeen, Gobollada dhexena way u dhasheen”.
60 total views, 1 views today