600 War Deg Deg Ah:Ahlu Sunna Oo Amar Culus Soo Saartay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Ahlu Sunna Oo Amar Culus Soo Saartay

Hoggaanka Ururka Ahlusunna ayaa 9kii Bishaan Shir deg deg ah la qaatay kaliyah maamulada degmooyinkii ay horay gacanta ugu heysay Ahlusunna ka hor inta aysan ku biirin maamulka Galmudug.

Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii shirkaasi ka qeyb galay Ahlusunna ayaa ogeysiisay maamulada degmooyinka in uu jiro Khilaaf ku aadan Ahlusunna iyo dowladda dhexe maadaama aan la fulin qodobadii lagu heshiiyay qaarkood.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusunna ayaa ku amray maamulada degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel Mareerguur iyo Matabaan in aysan qaadan karin Amar aan aheyn Midka hoggaanka ahlusunna.

Maamulada ayaa sidoo kale lagu amray in Garoomadda diyaaradaha ay ka ilaaliyaan in Ciidamo laga soo dejiyo.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ayaa dhawaan shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.

Warqad loo diray Xafiisyadda Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha iyo Qaramada Midoobey ayaa muujisay tabashadda ay qabaan Ahlusunna waxaana ay sheegeen hadii laga jawaabi waayo Cabashooda ay qaadi doonaan tilaabo.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Saraakiishii Ahlusuna ee lagu heshiiyay in la siiyo darajooyin oo aan weli la sharciyeyn, taasna ay niyad jab ku tahay ciidanka.

Sidoo kale waxaa looga dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka sugayaan balan-qaadyadii uu u sameeyay, booqashadii uu ku tagay deegaanada Galmudug.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...