Waxaan arkay Culimo layidhaahdo Salafiyiin,Waxaan Arkay Salafu Saalix, Salafu Jadiid, Ictisaam, Saadicuuni bil Xaq, Ikhwaan, Ahlu sunna, Tabliiqiya, waxaa kaloo maqlay kuwo loogu yeedhayo Tagfiir iyo qaar kale.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dhammaantood waa Soomaali, Dhammaantood diintoodu waa Islaam, dhammaantood Nebigoodu waa Xabiibkii Alle Maxammed Amiin Scw.
Waxaad kaloo og tihiin dhammaantood mid midka kale ogoli kuma jiro, waxaan kaloo og nahay in badankoodu kala tukadaan oo qoloba Masaajido gaar ah leedahay.
Waxaan isweydiiyey haddii Soomaali 100% aad muslimiin tihiin oo dhaqan, Isir iyo Af wadaag tihiin, haddiiba aanay jirin Diimo kale oo Culimada kala gaysay maxay kawadaan Magacyadan faraha badan ee midba kan kale diidan yahay.
Waxaan qabaa iyadoo aynu la liidano dhibaatada Magacyada qabaa’ilkeenu ina dhaxalsiiyeen in aynaan qaadi karin Magacyo kale oo qabaa’ilka kuwooda ka hawl badan kana isdiidooyin badan oo ka kala qaybin xoogan.
Hal Kitaab, Hal Nebi, Illaah keliya iyo Hal dariiq oo cad oon dariiq kale labba ku ahayn sabab waxaasoo magacyo ah aad noola dhex timaadaan ma garanayo!
Afeef. Ceeb baan u aqaan Aflagaadada iyo maagista Culimada sidaas si lamid ah kala qaybsanida magacyadooda faraha badan waxaan u arkaa dhaawac diineed iyo mid ummaddeed, waana dhako-faar xoogan.
