600 Deg Deg:Wararkii Ugu Danbeeyay Arrimaha Daoorshada JUBALAND, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Wararkii Ugu Danbeeyay Arrimaha Daoorshada JUBALAND,

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegaya in si habsami leh u socota diyaar-garowga doorashada lagu wado iney bishan ka dhaco magaalada xarunta ah ee Kismaayo.

Waxaa muuqata in weli uusan shaqaaneyn dadaalka ay DF Soomaaliya ku dooneyso inay kaga hortagtao in doorashada dhacdo.

AMISOM ayaa la go’aamiyey in ay la wareegto sugidda amniga magaalada iyo xarunta doorashada, arrintaas waxaa soo dhoweeyey dowlad goboleedka Jubblanad iyo beesha caalamka.

Inkasta oo ay jiraan murashaxiin wada guddi doorasho oo ka baxsan midka maamulka magacaabay, isla markaana diiday odeyaasha dhaqanka iyo xataa is-diiwaangelinta hadana dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay ku adkeysaneysaa in doorashada ku dhacdo waqtiga loogu talo galay iyo murashaxiinta hadda diiwaan geshan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa dhowr qoraal ka soo saartay arrimaha doorashada Jubbaland iyada oo shaki gelisay aqoonsiga natiijada doorashada haddii la garab maro waxa ay rabto, arrintaas oo loo arko faragelin qaawan. Villa Somalia waxaa ay ka careysantahay in aaney doorashada Jubbaland u maamulin sida ay ka sameysay Koonfur galbeed, haddana ay wax ku waddo Galmudug.

Dowladda federaalka ah kuma qanacsana madaxweyne Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, taa badalkeeda waxaa ay gadaal ka riixeysaa murashaxiin kale, kuwaas oo aan badankood laga aqoon ama wax shaqo ah aan ka qaban deegaannada Jubbaland.

Madaxweyne Madoobe, oo ka tirsan murashaxiinta is-diiwaangeliyey ayey dadka deegaanka sheegayaan inuu ka gacan sareeyo kuwa kale marka loo fiiriyo khibardiisa iyo horumarka uu deegaanka gaarsiiyey tan 2013-kii.

Mudane Axmed Islaam Madoobe waxaa uu qabsaday Jubbaland iyada oo ay ka soo baxeen dagaallo sokeeye, kana jirin adeeg iyo nidaam dowladnimo, waxaa uuna ka dhigay dowlad goboleedka 2-baad ee ugu wax soo-saar, dhaqaalaha iyo awoodda badan kadib Puntland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...