Daawo:Itoobiya oo Hub ku qabatay Wajaale Iyo halka looga soo geliyay

Magaalada Wajaale waxaa lagu qabtay Hub u badan Baskoolado kuwaas oo la doonayay in gudaha Dalka Itoobiya la geliyo.

Waaxda dakhli ururinta ee Wasaaradda Maaliyadda Dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Wajaale saaka lagu qabtay 20 Baskooladood oo ah nooca ay farsameyso Dowladda Turkiga.

Hubkan ayaa lagu qariyay Gaari Isuzu ah kaas oo ku sii socday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaaliya.

Saraakiisha Amaanka Wajaale ee dhinaca Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in ay xireen qofkii waday Gaariga lagu qarinayay hubkaas.

Saraakiisha Amaanka Wajaale waxaa ay sheegeen in Hubkaas laga gelinayay degaanka dhinaca Maamulka Somaliland.

Waxaa ay intaas ku dareen in qofka xiran uu ku socdo baaritaan la xiriira halka uu ka keenay Hubka uu geliyay dowlad degaanka Soomaaliya.

Dalka Itoobiya Bishii June waxaa ka dhacay Afgambi dhicisoobay,waxaana Ciidamada Itoobiya ay sidan oo kale dhowr jeer Wajaale ugu qabteen Hub culus iyo malaayiin doollar oo kontrabaan ahaa.