War Deg Deg Ah::Xujeey Soomaaliyeed oo qarka u saaran in xajka dhaafo sanadkan

Magaalada Madiina waxa kusugan dad kudhow 300 oo Xujey Soomaali ah kuwaas oo kasoo xajiyey meelo kaladuwan oo kamid ah Soomaaliya sida Muqdisho, Hargeysa, Gobolka Soomaali-galbeed Dhuusamareeb iyo Beledweyne, waxa ay ahayd in ay Isniiintii hore ama Tallaadada maanta ah tagaan meesha ay tahay in ay kaxirtaan Xajka ee Dulxuleyfa (Miiqaatka Madiina & ciddii soo marta)

Inta badan Xujeydani waxa ay ka degeen Magaalada Madiina Jimcihii hore iyaga oo qaarkood ay Diyaaradda Ethiopian Airlines kasoo qaadday magaalada Muqdiaho waxa ay noqdeen goobaha Barakeysan ee taariikhiga ah ee magaalada Madiina sida Masjidka Nabiga, Masjid Qubaa, Buurta Uxud iyo Masaajidka labada Qiblo iyada oo qorshuhu ahaa in kaddib booqashada goobahaas oo loo daabulo Magaalada Barakeysan ee Makka.

Dhammaan Xujeydan waxa laga qaaday Baasaboorradii islamaalinkii ay kasoo degeen magaalada Madiina taas oo laga yaabo in ay adkeyso in Xujeydu u socdaalaan Magaalada Makka.

Waxa jira dadaal ay wadaan Madaxda shirkadaha Xajka ee Soomaaliya kaas oo lagu wado in arrinkan lagu xalliyo iyada Xujeydan loo sheegay in cilladdu tahay Basaska Waaweyn ee qaada Xujeyda oo la waayey.

Waxa suuragal ah in Xujeydan loo daabulo Magaalada Barakeysan ee Makka berrito oo Arbaco iyada oo Arbacadu tahay maalinka ugu dambeeya ee loo safri karo Makka haddii aan safarkaasi Berri hirgelin waxa ay kadhigan tahay in sanadkan ay tiradaas xujeydu seegi doonaan Xajka.

Dhibaatadu waxa ay haysataa Xujeyda Soomaalida oo keli ah iyada Xujeyda waddamada kale ay u gutaan xajkooda si sahlan oo deegaanka iyo Noloshuba hagaagsan yihiin

Xujeyda Soomaaliya waxa ay kusoo xajiyaan lacag kor u dhaafeysa $4000.00 (Afar kun oo doolar) oo sahaydu kujirto halka ay Xujeyda Waddamada kale ku xajiyaan kala bar lacagtaas iyaga oo ka adeeg iyo Fududeyn wanaagsan Xujeyda Soomaaliya.