War Deg Deg Ah:Barlamaanka Kenya Oo Meel Mariyay Duulaan Ka dhan Ah Soomaaliya,

Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa ansixiyay daabulidda Ciidanka Difaaca Kenya oo la geynayo biyaha Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku saxiixan qoraalka Baarlamaanka Kenya uu ku ogolaaday in Ciidanka Kenya la geeyo biyaha Soomaaliya.

Kenya waxaa ay sheegtay in kiiska badda ee hadda yaalla ICJ uu Kenya ka luminayo 26% biyaheeda sidoo kalena 85% aagga gaarka ah ee dhaqaalaha ku weyneyso.

Kenya ayaa go’aansatay in aysan dheg jalaq u siin Maxkamadda ICJ islamarkaana difaacato biyaheeda sida Baarlamaanka dalkaas ansixiyay maanta.

Baarlamaanka ayaa xukuumadda Kenya ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidanka difaaca Kenya ku geyso biyaha Soomaaliya si looga difaaco Soomaaliya.

Qoraalka maanta uu soo saaray Baarlamaanka Kenya ayaa waxaa uu soo xiganayaa in qodobo iyo heshiisyo hore oo ay sheegeen in ay wada galeen Soomaaliya,Kenya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale Qoraalka maanta ka soo baxay Baarlamaanka Kenya waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay diiddan tahay heshiiskii Caruusha ee Kenya siinayay Gobolka NFD kaas oo Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya ee Maxamed Ibraahim Cigaal saxiixay laakiin markii dambe diiday Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya dooneyso in ay soo celiso Soomaaliweyn islamarkaana kiiska Badda ugu gambaneyso sheegashada dhulka NFD sida ku cad qoraalka uu saxiixay Aadan Barre Ducaale oo laftiisa Soomaali Kenyaan ah.

Maxkamadda ICJ ayaa 19ka Bisha September billaabeysa dhegeysiga kiiska Badda ee SOomaaliya iyo Kenya,waxaana dowladda Kenya rumeysantahay in kiiskan loo xugminayo dhinaca Soomaaliya sidaas darteedna ay sida ku cad qoraalka Baarlamaanka Kenya biyaheeda ka difaaceyso Soomaaliya.