Beesha Ciise Maxamuud Oo Ku Riyoonasa Dhulbahante Dhulkiisa Inay Boobto+”War La aan Ayaa Wadada Rogtay”

Waxaa maalmahan deegaanka gobolka Sool ka socday dhacdooyin aad moodid in ay muddooyinkii ugu danbeeyey is qooranayeen. Deegaanka Bixin oo ka tirsan Gobolka Sool waxaa ka socday xad gudub iyo dhismo ay wadeen Beesha Ciise Maxamuud Majeerten

Deegaanka Bixin iyo Waaw oo ka tirsan deegaanka Sool waxaa hore laysula gartay in aan wax dhismo ah laga samayn , xilligaas oo madaxda deegaanku ka gilgisheen arrintaasi iyaga oo diiday in Garoowe laga bixiyo sharciga dhulkaasi, isla markaana uu yahay deegaan hoos yimaadda degmada Boocame ee gobolka Sool, loona ogolayn qof aan ahayn reer Sool in uu dhisto.

Hadaba Sida Ka muuqata Sawiradan Dooxooyiinka Bixin iyo woow waxaa ka socda dhisme ay wadaan beesha Ciise maxamuud islamar ahaanatana Ay Arrinkan Dabada Ka riixayaan Siyaasiyiin iyo madax ay kamid yihiin Faroole Isimka Guud ee Ciise maxamuud iyo Xubno Ganacsato Ah.

Layaabka Taagan ayaa ah Dhulbahantihii Sool oo Aan Dhaadaneen Gunimada Xoogan ee Ka taagan Deegaanka oo iyagoo soo taagan Dhulkoodii la boobaayo.

Dhulbahantaha Laascaanood waxaa Xusid Mudan inay Taariikhda wax aan dhulbahante yeelin inay yeelen oo Sool u soo Horkeceen Isaaq waxaana maanta Ku xigta In Dhulkoodii iyagoo Soo taagan Laga dhisanaayo qasriyo.

Wali taariikhda Dhulbahante wixii ka danbeeyay Burburkii kamaysan dhicin in Taago Dhulbahante leeyahay Qolo kale Ka dhisato Guryo ama deegaamayso.

Xaalada Haatan ka taagan Bixin iyo woow ayaa ah mid halis Xambaarsan islamarkaana Keeni karta Dagaalo sokeeye oo dhexmara Beelaha Ciise Maxamuud iyo Dhulbahante maadaba ay Si Badheedh ah beesha Ciise Maxamuud ugu Soo xadgudubtay Dhul kamid ah Gobolka sool.

Isku soowada duubo dhamaan bulshada Khaatumo waxaa la faraya in ay Ka dhidhiyaan Gunimada Halista badan ee ka taagan Dooxooyinka bixin iyo woow Islamarkaana Beesha Taagta Daran ee Ciise Mxamuud ay Ka Baaciyan Dhulka Ay doonayaan inay Ku qaatan Riyada .