dahabshiil

Sir Culus::Afar Qolo oo ka midaysan in Kismaayo dagaal ka dhaco

Dowladda Qatar, ayaa sida la sheegayo dabada ka riixaysa musharrax lagu magacaabo, Cabdinaasir Seerar oo u taagan doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubbaland, si ay meesha uga saarto, madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale u tartamaya doorashada Jubbaland.

Warbaahinta Qatari Leaks oo xiganaysa ilo’ xog-ogaal ah oo aysan magacaabin, ayaa sheegtay in dowladda Qatar ay musharrax Seeraar taageero dhaqaale u soo maraysay, Kusimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaaji Daahir, si ay xasarad uga dhaliso doorashada Jubbaland.

Sidoo kale, Qatari Leaks waxay sheegtay in dowladda Qatar ay qaar kamid ah warbaahinta dalka kenya lacago badan ku siisay, si ay borobagaandho uga faafiyaan doorashada Jubbaland.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in uu xiriir hoose ka dhexeeyo musharrax Seeraar, Kusimaha NISA Fahad Yaasiin, dowladda Qatar iyo Al-shabaab, ayna ka midaysan yihiin, in ay qalalaase ka abuuran doorashada Jubbaland.

Qatar ayaa sida warbixintu sheegayso, waxay doonaysaa in Kismaayo dagaal ka qarxo, dabadeedna musharrax Seeraar ay u suurta-gasho in uu qabsado qeybaha kamid ah magaalada, si AMISOM loo kala dhex-dhigo dhinacyada dagaallamaya oo meesha looga saaro awoodda ciidan ee Axmed Madoobe

HALKAN KA GUJI OO AKHRISO WARKA OO AY WARBAAHINTA QATAR DAABACDAY

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=15869

Posted by on Aug 6 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841