600 Deg Deg Daawo::-Qodobo Ka Soo Baxay Kulankii Axmed Madoobe iyo Taliyaha Amisom, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo::-Qodobo Ka Soo Baxay Kulankii Axmed Madoobe iyo Taliyaha Amisom,

Magalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam & Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa Amniga Magalada Kismaayo inta ay socdaan doorashooyinka Jubbaland,isla markaana ay ka wada qeyb qaataan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ka hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka isla markaana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono.

Sidoo kale waxaa hadalkiisa intaasi ku daray in AMISOM maamulka Jubbaland u sheegtay inaysan wax faragelin ah ku sameyn doonin doorashooyinka Jubbaland,isla markaana marna shiki galin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Marka laga soo tago hadalka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland weli wax war ah kama soo bixin dhinaca Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Jubbaland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...