600 Deg Deg:Somaliland Oo Waji Gabax Kala Kulan Tahay Maxaabiis Hawiye ah, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Somaliland Oo Waji Gabax Kala Kulan Tahay Maxaabiis Hawiye ah,

Dowladda Seychelles ayaa Cambaareysay go’aankii ay somaliland ku sii deysay 19 maxbuus oo horay lagu xukumay eedeymo la xariira Burcad badeednimo, islamarkaana degaanada Somaliland loogu tala galay in ay ku dhameystaan xukunka lagu riday.

Dowladda Seychelles Waxa ay sheegtay in Somaliland ay ka baxday heshiis ay horay ula gaartay maamulka Somaliland, kaasoo ku aadan in Maxabiista Soomaalida ah ee lagu xukumo eedeymaha Burcadbadeednimada in lagu haayo Xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada Seychelles ayaa lagu sheegay inay layaab ku noqotay talaabada ay somaliland xoriyadooda ugu fasaxday maxaabiistan burcad badeednimada ku xukunaa.

Wasaaradda ayaa xustay  in maxaabiistani ay ku xukunaayeen xabsi u dhaxeeya 30,36 ilaa 42 sanadood, islamarkaana hadda ay xirnaayeen kaliyaha 9 Sanadood.

“sanadkii 2011 Waxaan kala Saxiixanay heshiis isfaham oo la xiriiray iswaydaarsiga maxaabiis xukuman, sanadkii 2012 maxaabiis gaaraya 19 ayaanu ku wareejinay hay’addaha maamula xabsiyada somaliland si ay u dhamaystaan xukunka ku dhacay Shaacinta sii daynta maxaabiistu waxay nagu noqotay la yaab sababtoo ah waa ficil la qaaday iyada oo aan waxba nalaga ogaysiin” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda.

Dowladda Seychelles  waxay sidoo kale sheegtay in ” Talaabadani waxay ka soo horjeeda heshiiskii isfaham ee aanu la saxeexanay somaliland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...