
Shir Todobaad yadii U dambeeyay Beesha Cabdi Garaad (Qayaad) Uga Socdey Deegaanka Dharkayn-geenyo Ee Koonfurta G Sool, oo soo Gabo-gabobay Iyo Qodabadii ay beeshu Ka soo saartey shirka.
——————————————————————–
1:– Waxay Beel-waynta Cabdi Garaad (Qayaad) mahad iyo amaanba madashatan uga jeedinaysaa, dhamaan waxgaradkii iyo ismadii ka qayb qaatey joojintii dhiigii walaalaha daadanayay Ee Labada Beelood (BAHARARSAME & KHAYR CABDI).
Ugu horayntii waxay u mahad celinaysaa Madaxwaynaha D.ds.i Mustafe Cagjar. Garaadka Guud ee Beesha Darood Garaad Kulmiye Garaad Maxamed, Waftidii Islaam ciise islaam Maxamed, Guurtidii Beelwaynta Gar-Xajis Iyo Cidii Kale Ee Gacan Ka Gaysatey Nabadaynta Labada Beelood.
2:– Waxay Beelwaynta Cabdi Garaad (Qayaad) xoojinaysaa midnimadeeda, meel kasta oo ay joogto gudaha iyo dibadaba.
3:– Waxay Beeshu Si mug iyo misaan leh u xoojinaysaa Nabad gelyada iyo dhamaan hirgalinta go’aa madii kasoo Baxay, shirkii nabadeynta beelaha walaalaha ah (Bahararsame & Qayaad) Ee ka dhacay Jigjiga.
4:– Waxay beeshu ugu baaqaysaa walaalahooda dhib ku dhexmarey Wada noolansho,is Aaminid,isdhexgal iyo Wada shaqayn oo ay u horsee dayaan odayaasha labada beelood.
5:– Waxay beeshu ugu baaqaysaa cid kasta oo nagala qayb qaadan karta ,dibudhiska dhamaan Dhismayaashii Bur-buray Ee Deeganada Koonfurta Gobolka Sool in ay nagala Qayb Qaatan Dowlad Iyo Shacaba.
6:– Waxay kale oo beeshu soo dhawaynaysaa dhamaan wixii horumar ee deeganadaa laga samaynayo.
7:- Ugu dambayn Waxay Beelwaynta Cabdi Garaad (Qayaad) isla qaadatey caano shubka Garaadka Cusub Ee Ay beeshu Yeelan doonto, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale (11/30/2019) oo ku aadan Xiliga Dayrta.
Alla——Mahad—–Leh







50 total views, 1 views today