
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad.
Kulankan uu Muuse Biixi la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayey bahda dhaqanku Muuse Biixi ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.
Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye ayaa maantaba u ambo baxay magaalada Muqdisho iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey.
Maxaabiista la cafiyey ayaa muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii sagootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

72 total views, 1 views today