600 Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Oo Saraakiisha Jubaland Kulan La Qaatay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Oo Saraakiisha Jubaland Kulan La Qaatay,

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada maamulkaasi ayaa amray inay xoojiyaan amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in saraakiisha looga fadhiyo inay adkeeyaan nabad gelyada inta lagu guda jiro doorashada dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in ay soo gabagabeeyaan baaritaanadooda ku aadan weerarkii dhowaan ka dhacay hoteelka Cascasey iyo dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaaladaasi.

Madaxweyne Axmed Axmed ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamadiisa kula dar daarmay inay wada shaqeyn dhow la yeeshayaan shacabka qeybihiisa kala duwan.

Dhankooda saraakiisha ka qeyb galay shirka ayaa ballan qaaday in ay sii labo jibaari doonaan howlgalladooda, islamarkaana ay ka hortagi doonaan falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Dhowaan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada xildhibaanada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee maamulka Jubbaland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...
War Ka Soo baxay Imaaraatka Carabta Oo dawlada somalia lagu Bahdilay
- Feb 20, 2021
Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay dhacdooyinkii Muqdisho, waxaana qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha ...