dahabshiil

Oomaar Oo Ka Hadlay Safarkii Kismaayo Ee Uu Ka Baaqday,

Musharraxa xukuumadda Xasan Cali Khayre ee doorashada Jubbaland, ahna wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar ) ayaa waxaa haatan soo wajahay walwal xoogan oo ku aadan ololihiisa doorashada, gaar ahaan sidii uu ka tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Oomaar ayaa shaaciyey sababtii uu uga baaqday safar uu dhowaan ku tagi lahaa Kismaayo, si uu ugu dhawaaqo Musharraxnimadiisa Jubbaland.

Waxa uu sababta ku sheegay inuu doonayo in uu ka baaqsado in dagaal Dhiig ku daato uu ka dhaco halkaasi.

Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hormaad u dhaco. Qof isku dayey inuu isoo qaado ma jiro.” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka uu tagayo Kismaayo ay ilaalin doonto ciidda sida uu hadalka u dhigay, kadib markii uu dhowaan ka biyo diiday madaxweyne Axmed Madoobe inuu ciidamo la tago gudaha magaaladaasi.

‘In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho, haddana Kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokowo.” ayuu markale yiri Oomaar.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in weli dadkii talada xumaa ay Ummadda waalayaan, islamarkaana ay dagaal ka hurinayaan Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay.

”Dadkii talada xumaa baa weli Ummadda waalaya. dagaal aadan idinka hurin Jubbaland kama dhici doono. caqliga ha shaqeeyo” ayuu intaasi sii raaciyey.

Xiisada siyaasadeed ee Jubbaland ayaa ka sii dareysa, iyadoo la filayo in bisha soo socota ee August la qabto doorashada guud ee maamulkaasi.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=15677

Posted by on Jul 31 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841