Deg Deg Daawo:Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dawlada Soomaaliya,

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee Aasaaska Puntland.

 44 total views,  1 views today