600 Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Ceerigaabo Saaka | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Ceerigaabo Saaka

Xiisadaan dagaal ayaa waxaa ay u dhaxeeysaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Soomaaliland iyo kuwa uu hoggaaminayo Korneel Caare oo horay uga mid ahaa Ciidamada Soomaaliland,waxaana ay saakay ka taagan tahay deegaan duleedka ka ah Magaalada Ceerigaabo.

Shalay gelinkii hore ayaa dagaal culus waxaa uu Ciidamada soomaaliland iyo kuwa Korneel Caare uu ku dhexmaray deegaanka Karinka ee jidka Tabca ee Woqooyiga Ceerigaabo, iyada oo dagaalkaas ay labada dhinac guulo ka sheegteen.

Wararka saakay la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada deegaankii lagu dagaalamay weli laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeysa labada dhinac sidoo kalena mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.

Afhayeen u hadlay Jabhadda uu hoggaamiyo Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ka gaareen guulo waaweyn,isla markaana Ciidamadooda ay Soomaaliland kala wareegeemn deegaano dhowr ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaalka Ciidamada Soomaaliland iyo Jabhadda Korneel Caare ku dhexmaray duleedka Ceerigaabo ayaa sheegay in Arrinta ka taagan Magalada Ceerigaabo ay nabad ku dhamaan doonto.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...