dahabshiil

Farmaajo Iyo Khayre Lagama Filen Tano Kale.

Masuuliyiinta qaranka soomaaliyeed ugu sareeya Waa Raysal wasaare xasan cali khayre iyo madaxweyne Mohamad cabdilaahi farmaajo.

Madaxda Markii la doortay  Febrayo 8, 2017 waxaa shacabka soomaaliyeed Gashay Rajo ah in ay Heleen madax wax badan ka badeli doonta xaalada soomaaliya.

Xaalada la filaayay in ay wax badan ka badalan Khayre iyo Farmaajo waxaa kamid ah isqabqabsiga madaxda. xal u helida xidhiidhka dawlada iyo dawlad goboleedyada.amniga dalka siiba amniga caasimada.iyo arrimo kale oo badan.

Nasiib daro shacabku kamaysan helin madaxweyne Farmajo iyo Raysal Wasaare khayre rajadii ay ka qaben ama ka filaayen mudo sadex sano oo hada ay xilka hayaan,

Sababto ah waxaa cirka isku sii taagay xiisada maamulada Iyo dawlada oo noqotay tan ugu weyn ee dalka ka taagan islamarkaana mudo ka badan labo Sano ay ku lumiyen Farmaajo iyo khayre sidii ay uga guulaysan lahaayen maamulada,oo macnaha ay usoo kordhinaso guusha maamulada ay ka guulaystan aan lagaraneen

Weerarka Labada sano lagu hayo maamulada waxaa uu yahay mid isugu jira U adeegsiga Hantida qaranka iyo Lumin lagu lumiyay in ka badan labo sano oo wakhti ah,

Dawlada Ay Hogaamiyaan Khayre iyo Farmaajo waxay weerartay Koonfur Galbeed waxayna tuurtay sidii ay rabtay Shariif Xasan balse taa badelkeeda wax macno weyn umuusan soo kordhin Yes-Manka Laftagareen ee dawladu soo saaratay Kursiga.Sidoo kale dawladu waxay Weerartay Galmudug waxayna meesha ka saartay Xaaf,Ilaa hadana xal umuusan Helin Khayre oo in ka badan bil iyo dheeraad ku sugan Dhuusamareeb kaliya waxaa Dawlada Dhuusamareeb kaga Lumay Qarash iyo wakhti,

Sidoo kale waxaa isna fashil noqday amniga dalka siiba amniga caasimada oo maalinba maalinta ka danbeysa uu ka dhacaayo qarax halistiisa iyo naxdintiisa wata wakhtiga u hadhay Khayre iyo Farmaajana wa mid gabogabo ah,

Dhanka kale Shacabku waxay is weydiinayaan Madaxda Dalka ma waxaa loo doortay weerarka iyo burburka nidaam dhisan oo amni ah sida Galmudug Jubaland Puntalnd Hirshabeelle Koonfur galbeed.

Khayre iyo Farnmaajo ma is weydiiyen Maxaa idinka soo galaya Weerarka maamul dhisan aan ka ahayn colaad, muxuuse ku soo kordhin kara maamul dhisan oo aadan weerarin ama saad rabtay uusan hogaamineen Masuul Nabad iyo Nolol u ah Guulwade,.

Tusaale Siciid Deni maaha Guulwade Nabad iyo Nolol Axmed Madoobe Isna maaha Guulwade nabad iyo Nolol Maxay Yeeli karan Xukumada Nabad iyo Nolol ma is weydiisay Tolow?

Isku soowada duubo mudanayaasha loo hanka weynaa kamaysan filayn shacabka soomaaliyeed in ay rajadii laga qabay kusoo ururto weerarka maamulada ee aan hadana guusha laga gaadhayn,

Mase is weydiiyen Nabad iyo Nolol Guulwadayaasha Sida Laftagareen Awaare maxay usoo Kordhiyen Xukumada Nabad iyo Nolol oo Horumar iyo wax lataaban karo oo ay kaga badalanyihiin Shariifkii La Tuuray iyo Xaaf.Maxayse yeelen Xukumada Raga La weeraray Ee Axmed Madoobe iyo Deni,Xaaf

Si Kastaba ha Ahaate Shacabku wali Waxay isha ku hayan Wakhtiga Ordaya misana dhamaanaya ee Khayre iyo Faramajo iyo Macno darada Hadheesay Siyaasada Nabad iyo Nolol,

Nagala soo Xidhiidh Emailka:— khaatumooffice44@gmail.com

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=15590

Posted by on Jul 28 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841