600 Deg Deg:Ilhaan Cumar Oo Ninkeedu Furay iyo Sababta Ka Danbeysa | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Ilhaan Cumar Oo Ninkeedu Furay iyo Sababta Ka Danbeysa

Wargeyska Daily Mail ee dalka UK ayaa qoray in Ilhaan Cumar iyo seygeeda ay kala guuraan islamarkaana ay ku guda jiraan hanaan ay isku furayaan

Daily Mail ayaa warbixin gaar ah oo uu qoray ku sheegay in Ilhaan ay cayrisay seygeeda Axmed Xiris, oo markii ugu horreysay ay is-guursadeen sanadii 2002 , balse is-fureen 2008, ka hor inta aysan mar kale dib isugu noqon.

Wargeyska ayaa sheegay in Ilhaan ay hadda ka guurtay Axmed kuna nooshahay dhisme qaali ah oo ku yaalla Mill District oo ah xaafadda ka tirsan Minneapolis.

“Waan ka xumahay, waxba kama oran karo arrintan” ayuu yiri Axmed Xirsi oo Daily Mail ay wax ka weydiisay.

Sidoo kale, Ilhaan Cumar ayaan ka jawaabin xiriir ay la sameysay Daily Mail.

Axmed Xirsi ayaa hadda kaligiis ku nool gurigii ay wada deganaayeen isaga iyo Ilhaan, hase yeeshee waxa uu tagaa guriga cusub ee Ilhaan ay kiraysatay marka ay ku maqan tahay magaalada Washington DC, halkaasi oo ay xubin ka tahay congress-ka Mareykanka.

Axmed Xirsi ayaan sidoo kale xaaskiisa kusoo dhoweyn garoonka diyaaradaha Minneapolis-St. Paul Airport markii ay toddobaadkii tagay kasoo laabtay Washington DC.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeymo aan weli caddeyn loo hayn oo xubno Jamhuuriyiin ah ay ku sheegeen inay si been ah u guursatay walaalkeed si ay u keento dalka Mareykanka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...