Deg Deg:Hogaamiyaha Ahlusunna iyo Khayre Oo Isku Dhacay iyo Ciidan Kkayre Geeyay Dhuusamareeb Oo lagu Qaaday Weerar,

maqal iyo muuqaal Wararka

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ahlusunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidankaan ayaa meesha ka saaray Ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan la geeyay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo isugu jira Boolis iyo Milatari kala socday Ciidanka Sunna iyo kuwa dowladda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Ahlusunna ay diideen in Ciidamo hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya la geeyo Magaalada Dhuusamareeb, taas badalkeeda ay Amniga Magaalada ku sugi doonaan Ciidankii dhawaan la qarameeyay.

Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa diiday in Ciidamo laga qaado Muqdisho laga geeyo Magaalada Dhuusmareeb,islamarkaana uu jiro Khilaaf ka dhex taagan Kheyre iyo Madaxda Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb.

Waxaa socda dedaalo la doonayo in ciidamada garoonka heysta laga saaro si dib loogu soo celi dhaq dhaqaaqii maalin laha ahaa ee ka socday.