Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si gaabis ah dusha sare uga eegaysa xaaladda doorashada ee ka jirta magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wali si toos ah uma aysan faragelin Arimaha doorashada balse waxaa arintaasi lagu micneeyay laba ujeedo oo ay ka damacsan tahay Dowladda Soomaaliya kuwaas oo u horseedi doono in ay ka yelato sida ay rabto.
Saraakiil katirsan Villa Somalia ayaa Khaatumonews u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Jubbaland faragelin doonto markii ay xaaladda adkaato kadibna ay si fudud ula wareegi doonto xaaladda doorasho,
- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay raadineyso qalalaaso ka bilaawda Jubbaland oo ay noqoto lama huraan in ay farageliso, kadibna ay la wareegto maamulka iyo hanaanka doorasho maadaama ay tahay Dowladda dalka.
- Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa damacsan in ay toos u farageliso Jubbaland markii ay meel gaar ah iska taagaan Mushaaraxiinta sida loo wado doorashada islamarkaana Axmed Madoobe lagu marqaatiyeeyo Beesha Caalamka si sifudud ay Dowladda ula wareegto doorashada.
Arimahaan ayaa waxaa lagu micniyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hore ugu ceebowday doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed Soomaaliya islamarkaana aysan ku deg degi karin arrimaha doorashada ee ka socda degaanada Maamul Gobaleedyada dalka.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa wada doorashada waxaana hogaamiyaha Maamulkaasi uu kamid noqday Musharaxiin is diiwaan gelisay oo qaatay Shahaadada Musharnimada Jubbaland.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u soo saartay Habraaca doorashada inkastoo uu maamulkaasi ka soo horjeestay. Musharaxiinta ugu saameenta badan ayaa ilaa hadda ka qayb galin diiwaan gelinta iyo shaqada socoto waxayna qabaan doorasho ku saabsan Gudiga iyo maamulkuba.