600 Deg Deg:Alshabaab Oo Xog Dheeraad Ah Ka Bixisay Qaraxii Lagu Weeraray Madaxda Gobolka Banaadir, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Alshabaab Oo Xog Dheeraad Ah Ka Bixisay Qaraxii Lagu Weeraray Madaxda Gobolka Banaadir,

Ururka Al-shabaab oo sheegtay inay mas’uul ka yihiin qaraxii maalin ka hor ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Xamar ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixisay qaabkii ay qaraxaas u filiyeen.

War ay kooxdu ku daabacday shakabadaha taageera ayaa lagu sheegay in qaraxaas ay doonayeen inay ku dilayaan ergayga QM ee Somalia, James Swan, balse uu ka badbaaday, kaddib markii qaraxa ay lasoo gudboonaatay cillad sababtay inuu qarxi waayo.

Kooxda ayaa sheegtay in qaraxa uu goor-dambe oo maalintaas ah qarxay, ayna dhibaato kasoo gaartay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo dhaawiciisa loo qaaday dalka Qatar.

Sidoo kale, kooxda ayaa sheegtay in qaraxaas uu ahaa mid horay loogu sii diyaariyay miiska shirarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir, balse ma sheegin cidda gacan ku siisay in qaraxaas ay goobta ku diyaariso.

Hadalka Al-shabaab ayaa wuxuu meesha ka saarayaa hadallo dhawaan la isla dhex-marayay oo sheegayay in qaraxaas ay fulisay haweeney indhaha naafo ka ah oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, taasoo isla goobta ku dhimatay.

Dhanka kale, Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya – ayaan weli waxr ah kasoo saarin qaraxaas iyo sidii uu u dhacay, waxaase socda baaritaanno lagu sameynayo cidda gacan ka geysatay iyo qaabka xarunta maamulka loo geliyay walxahaan qarxa.

Ugu dambeyn, Weerarkaas oo noqonaya kii ugu xumaa noociisa ee si toos ah loola beegsado xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku naf-waayay agaasimayaal iyo guddoomiyeyaal ka tirsan maamulka gobolka oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah, waxaana ku dhaawamay tiro kale oo uu ka mid yahay Inj. Yariisow, kuwasoo dhaawacooda loo qaaday dalka Qatar.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...