QM ayaa Muqdisho keentay ciidamo ka socda dalka Uganda oo qeyb ka ah ciidamada UNGU (United Nations Guard Unit), kuwaas oo howshoodu tahay sugidda amniga shaqaalah QM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ciidamadan ayaa waxaa xaflad soo dhoweyn ah iyo la-wareegis amni loogu qabtay Muqdisho, ayaga oo beddelay ciidamo kale oo horey u joogay magaalada. Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan, iyo taliyaha guud ciidamada Uganda, General Peter Elwelu.
Cutubkan ka socda dalka Uganda oo loo yaqaan UNGU VI ayaa ka kooban 625 askari, oo 86 ka mid ah ay yihiin haween.
Ciidamadan oo shalay yimid ayaa kusoo aaday maalin kadib markii wakiilka QM ee Soomaaliya uu ka badbaaday qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, oo uu ka tagay waxyar un ka hor, ayada oo Al-Shabaab ay sheegtay inuu ahaa bartilmaameedka.
i kastaba, waxaa la rumeysan yahay in imaatinkooda uu horey u qorsheysnaa maadaama ay beddeleen ciidamo kale oo horey ugu sugnaa xerada Xalane ee ay QM dhex degan tahay.
Ciidamadan ayaa Muqdisho joogi doona muddo hal sano ah, markaas oo kadib ciidamo kale lagu beddeli doono.


