Maamulka Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda labada dhinac.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in la hakiyay wada shaqaynta iyo isku socodka xukuumada federaalka iyo Jubbaland.

Golaha ayaa go’aankaan ku sababeeyay “faragalinta qaawan ee dowlada federaalka ku hayso hannaanka doorashooyinka Jubaland iyo khalkhal galinta joogtada ah ee arrimaha Jubbaland.”

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa sidoo kale laga mamnuucay deegaanada maamulka Jubaland,

Golaha ayaa dhammaan shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan isla markaana meel uga wada soo jeedsadaan cidwalba oo dooneysa dhibaateynta amnigooda, sida hadalka loo dhigay.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay soo saratay qoraal ay ku sheegtay in liiska odayaasha soo xulaya xildhibaanada Jubaland ee maamulka uu soo saaray uu yahay mid aan sax ahayn.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inuusan jirin musharax is-diiwaan gelin kara inta laga soo xulayo xildhibaanada maamulka, taasi oo ku socotay Axmed Madoobe oo horey isku diiwaan geliyey.