
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa degmada taariikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool.
Madaxweynaha ayaa Iimaan Cali Shire u magacaabay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee degmada Taleex sida ku qoran Dikreeto ka soo baxday xafiiska Deni oo ku taariikhaysan 24-Luuliyo-2019.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex.
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex.
Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

63 total views, 1 views today