Xildhibaanno iyo Wasiiro hotelkii ay degenaayeen looga saaray amar Al-Shabaab

Maamulka Hotel-ka Suubiye ee ku yaalla magaalada Jowhar ee Xarunta HirShabelle ayaa soo saaray amar hoteelka looga mamnuucayo Xildhibaanada iyo Wasiirada HirShabelle.

Hotelkaan oo ku yaalla faras magaalaha Jowhar, gaar ahaan Xaafadda Howlwdaag ayaa aad ugu dhow Xarumaha maamulka HirShabelle gaar ahaan Xarumaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xarunta Maamulka Gobalka.

Xildhibaanada, Wasiirada iyo shaqaalaha kale ee HirShabelle ayuu hoteelkaan degaan u ahaa waxaana lacagta bil walba lagu dalici jiray Maamulka HirShabelle.

Xildhibaanada iyo Wasiirada oo qaar kamid ah la hadlay Khaatumonews ayaa xaqiijiyay arintaan waxaana albaabka hoteelkaan lagu soo dhajiyay amar ah in aysan degi karin Shaqaalaha iyo masuuliyiinta HirShabelle hoteelka Saabir.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay arintaan waxaana ay amar siiyeen Milkiilaha Hoteelka iyagoo u qabtay muddo kooban in hoteelka looga guuro ama ay soo weerari doonaan.

Qof kamid ah maamulka hoteelka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo waceen hoteelka Islamarkaana ay amar ku bixiyeen in si deg deg ah hoteelka looga saaro Wasiirada iyo Xildhibaanada ama ay ku soo qaadi doonaan weerar isugu jira dagaal iyo qaraxyo.