600 Deg Deg:Maamulka Soomaaliland oo Ciidamo Cusub geysay deegaano ka tirsan Sanaag | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Maamulka Soomaaliland oo Ciidamo Cusub geysay deegaano ka tirsan Sanaag

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Soomaaliland saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamo farabadan geysay deegaano hoostaga Magaalada Ceerigaabo.

Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo laga kala qaaday deegaannada Tukaraq & Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in la geeyay Buuraleyda Ceerigaabo oo meel u dhow ay saldhig ka sameesteen Ciidamo uu wato Korneel Caare oo horay uga goostay Ciidamada Soomaaliland.

Ciidamada la geeyay duleedka Ceerigaabo ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidamada RRU ee Soomaliland,waxaana Maanta lagu soo waramayaa inay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Korneel Caare oo dhowr mar Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu weerari doono deegaannada Soomaaliland,hayeeshee Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Sanaag Ayaa maalmahan dhex dhexaadin ka dhex waday Korneel Caare iyo Madaxda Soomaaliland.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga Soomaaliland weli kama hadlin u jeedka Ciidamada ay deegaankaasi u geeyeen,,waxaana xusid mudan in deegaano ka tirsan gobolka Sool ay ka jirto xiisad u dhaxeyso Puntland & Soomaaliland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...