Deg Deg:Somaliland Oo Magaca Iska Badelaysa

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey in Somaliland ay iska badalayso magaceed si beesha caalamka aqoonsi buuxa uga hesho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay u howl-galeyso sidii ay iskaga badali laheyd magaceeda, taasi oo uu sheegay inay u horseedi karto ictiraafka ay mudada badan ugu jirtay baadi-goobka, isagoona xusay in dowladda Soomaaliya ay ku colaadineyso Somaliland magaceeda.

Xildhibaa Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay Dib u heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Ugu Danbayna Dheeg ayaa ka dhawaajiyey inaysan Somaliland wada-hadal la fureyn dowlada Soomaaliya, ilaa inta ay ka imanayso dowlad loo dhanyahay.