Ugu yaraan Lix qof ayaa geeriyootay kadib markii Booliska Nigeria ay rasaas ku fureen dad dibad-bax ka dhigayay magaalada caasimadda u ah Nigeria ee Abuja.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dadka bannaabaxa dhigayay ayaa ahaa kuwa daacad u ah Wadaad Muslim caan ah oo lagu magacaabo Sheikh Ibrahim Zakzaky.
Sheikh Zakzaky ayey dowladda xabsiga dhigtay, waxaana dadka dhibaatadu soo gaartay ay ahaayeen kuwa dalbanayay in lasii daayo wadaadka.
Dad kale ayaa jira oo dhaawacmay waxaana loo qaaday Isbitaalada si loo daweeyo.
Ma jirto wali wax hadal oo kasoo baxay saraakiisha Booliska Nigeria oo ay kaga hadlayaan dhacdadaan, dadka ayaase sheegay in ay sii wadi doonaan dibad-baxooda ilaa laga sii daayo Sheikh Zakzaky.
Dowladda Nigeria ayaa kusoo dusha ka saartay eedeymo kala duwan Sheikh Ibrahim Zakzaky sanado kahor ayeyna xabsiga dhigtay inkastoo aysan dacwadiisa wali maxkamadda aysan ka bilaaban. Ha’addaha Xuquuqda aadanaha u doooda ayaana si aad ah u cambaareeyay xariga Sheikha.

