Taliyaha Ciidanka Kenya Oo Safar Qarsoodi ah Ku yimid Jubaland,

Sida ay ogaatay Khaatumonews taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Kenya General Walter Raria ayaa dhawaan booqasho dhuumaaleysi ah ku yimid gudaha Soomaaliya.

Socdaalkan oo aan horay loo sii shaacin wuxuu taliyuhu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale taliyaha ayaa booqday xarumo Milatari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in ujeedka safarka taliyaha uu ahaa mid dhiirogelin ah, islamarkaana uu waayo-aragnimadiisa la wadaagay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Warkan laguma shaacin goorta uu taliye Walter Raria yimid gudaha Soomaaliya.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan la filayo in doorashada guud ee Jubbaland ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa xiriir dhow la leh maamulka Axmed Madoobe oo hadda wajahaya culeys uga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya.

 43 total views,  1 views today