Daawo:Madaxweyne Farmaajo Oo Xalay Si Heer Qaran Ah U Soodhaweyay Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka socda ururka Midowga Africa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, is dhexgalka dalalka Africa, iyo guud ahaan amniga gobolka.