
Shirkadaha socdaalka AllA AAMIN GROUB iyo ALL-IXSAAN ee u kala goosha magaalooyinka buuhoodle Iyo laascanood ayaa jabiyay Nooligii Lagu Tagi Jiray Magaloyinkaas, Nooliga oo markii hore ahaa 15$ ayaa Hada Labada Shirkadood Oo loo lamaya Ka Kala dhigeen 6$ Iyo 5$.
Saaka Oo Aan Booqdey Istaanka Labadaasi Shirkadood ay ku leeyihiin magaalada laascanod ayaa Shaqaalaha Shirkada ALLA AAMIN ee socdaalku Waxa Ii Sheegen in Ay buuhoodle lagu tagayo 6$, Halka Shirkada socdaalka ee ALL-IXSAAN Ii Sheegen in Ay Rakaabka ku Gaynayaan 5$ Oo qudha.
Loolankan Xamasadeysan ee Ay ku jiraan labadan shirkadood ayaa Waxa Uu Socdaa Maalintii sadexaad, iyadoo Rakaabkii u kala Safrayay magaalooyinkasi Ay Ku Tagayaa qiimo ka duwan kii Hore
W/Q LIIBAAN QARAN


55 total views, 1 views today