Puntland iyo Jasiiradaha Waaq Waaq.

Sida ku qoran buugaagtii hore ee Carbeed ee sheeko xariireedka u badnaa Jasiiradaha Waaq Waaq waxaa markii ugu horaysay buugaagtaas lagu qoray 1154, waxa kale oo buugaagtooda laga helayaa Ibnu Khalduun, Ibnu Baduuda , iyo rag kale oo badan, dhammantoodna waxay uga sheekaynayaan in ay yihiin Jasiirado aan la tilmaami karin meel ay ku yaalaan, marmarka qaarkood waxay ku tilmaameen Shiinaha iyo Hindiya Jasiirado u dhaxeeya oo Badweyntaa Hindiya ku yaala, mar kalena waxay ku tilmaameen Madgasgar, waa Jasiirado Khiyaaliya.

Shalay mar uu hadlayey xeer ilaaliyaha Puntland ayuu sheegay in dastuurka Puntland ka weyn yahay kan Federaalka isla markaana aanay ku noolayn Jasiiradaha Waaq Waaq, sida muuqata xeer ilaaliyaha Puntland wuxuu aad u akhristay sheeka xariiroodka Carabta, isla markaana saamayn weyn ku yeeshay, sababtoo ah in Puntland Jasiiradaha Waaq Waaq ku nooshahay waxaa kuu cadeynaya, xeer ilaaliyihii guud ee Puntland wuxuu aaminsan yahay in Dastuurka Puntland ka xoogweyn yahay kan federaalka ee ay ka tirsan tahay Puntland , muxuu uga xoogweynaan waayey Puntland waa hooyadii Federaalkee, oo waa gabadheedii Curade.

Puntlandta Deni iyo Puntland maanta ayaa muuqaalkan leh, Puntlandta Waaq Waaq ayaa muuqaalkan leh, waa maamul Goboleed Federaalka ka tirsan hadana ku andacoonaya in ay ka sareeyaan, waa dhibaatooyinka jira ee siyaasiyiinta Puntland aan la fahmi karin waxay doonayaan,

siyaasiyiinta Puntland waxay doonayaan in ay Federaalka xukumaan , oo Puntland xukumaan, oo wax kale ma qancin karaan Villa Somalia iyo Villa Garoowe in ay fadhiyaan.


Haddii maanta la qeexo oo naloo sharaxo qaabka ay Puntland rabto in ay ugu dhexnoolaato hanaanka Federalka waanu jeclaan lahayn, waxaanuse hadda haynaa in ay Jasiiratu Waaq Waaq ku noolyihiin