600 Deg Deg Daawo:Puntland Oo Si Yaab Leh Uga Jawaabtay Codsigii Madaxweyne Farmaajo. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Puntland Oo Si Yaab Leh Uga Jawaabtay Codsigii Madaxweyne Farmaajo.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalbaday in la sii daayo eedaysanayaal u xiran Garsoorka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku jira xabsiyada magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, aysan ku xirneyn amar madaxweyne iyo mid mas’uul kale toona, balse ay u xiran yihiin laamaha Garsoorka Puntland, islamarkaana la marin doono hannaanka sharcig ah, haddii wax lagu helo iyo haddii kaleba.

Aw-cismaan ayaa sheegay in Puntland ay leedahay nidaam sharci iyo hay’ado Garsoor oo qaabilsan go’aan ka gaarista dadka ku eedaysan in ay sharciga ku xad-gudbeen, balse aysan jirin cid kale oo sii dayn karta dadka Garsoorka u xiran.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in laamaha Garsoorka oo keliyah ay awood u leeyihiin, go’aan ka gaarista cid kasta oo ku eedaysan in ay xad-gudub ku samaysay nidaamka iyo sharciga u yaalla dowladda Puntland, isagoo xusay in aanu jirin mas’uul kale oo fara-gelin ku samayn kara arrimaha Garsoorka.

Hadalka Xeer Ilaaliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo eedaysanayaal ku xiran magaalada Boosaaso oo lagu soo qabtay waaran-maxkamadeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...