Hub fara badan iyo lacago lagu qabtay ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Saraakiil ka tirsan ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub fara badan iyo lacago sharci darro oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee ismaamulkaasi.

Hubka iyo lacagahani ayey ciidamadu ku soo qabteen howlagllo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee dowlad deegaanka Zakariye Cabdi Khaliif ayaa hubka ay soo qabteen tiradooda ku sheegay 3040 (saddex kun iyo afartan Qori) oo ay ka mid yihiin 20 qoryaha Machine-gunska loo yaqaan iyo nooca kale ee RPG-ga oo tiro badan.

Zakariye ma shaacin in dad ay ku soo qab qabteen howlgalladaasi, balse wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan baaritaanadooda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan afgambi dhicisoobay uu ka dhacay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi dhammaadkii bishii hore ayaa waxaa lagu dilay taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya iyo Madaxweynihii maamulka Amxaarada Dr. Ambachew Mekonnen.

Dowladda federaalka Itoobiya iyo maamullada hoostaga ayaa waxaa tan iyo markaasi kaidb ay ku dhaqaaqeen howlgallo lagu soo qabtay hub, kuwaas oo laga sameeyey gobollada Oromada, Amxaarada iyoCafarta ee dalkaasi.