Deg Deg::Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo soo gaaray Muqdisho iyo u jeedada socdaalkiisa

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Thabo Mbeki ayaa hoggaaminaya guddi sare oo ka socda Ururka Midowga Africa.

Sida ay ogaatay KHaatumonews guddigan ayaa u yimid arrimo la xariira dhex dhexaadinta dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo uu haatan ka dhexeeyo khilaaf xoogan.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay kulan kula qaataan xarunta Madaxtooyada Qaranka, sida ay xaqiijiiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Xubnahani ka socda Midowga Africa ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa ayaa Nairobi kula soo kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Munica Juma.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xariira Badda, nabadda, xasilloonida, is dhexgalka iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.