Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg:DENI oo amar culus dul-dhigay golaha wasiirada Puntland
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa amar culus dul dhigay golaha wasiirada maamulkaasi, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Deni ayaa faray dhammaan wasiiradiisa inay fuliyaan wareegto uu shalay soo saaray oo la xariirtay in aan la deegaameysan dhul daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marnaba aan la ogolaan doonin in la dego ama la dhisto dhul daaqsimeedyada ku yaallada deegaanada dowlad goboleedka Puntland.
Madaxweynae Deni ayaa xusay in tallaaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qadi ciddii lagu arko.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka in ay fuliyaan amarkan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda,
Puntland oo ah maamulkii ugu horreeyey ee ka aas aasmay dalka ayaa waxaa muddada ay jirtay ay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo la taaban karo.

Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.